ereyga

keeda² (-keeda)

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keeda² (-keeda)

DHAN

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. la-mid: keed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keed (-keed)

DHAFAN

dk.lh.l la-mid: keeda².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

keeda

DHAABAN
1

keeda¹: mu.lh.l (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tusaale: Keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas.

2

keeda²: (-keeda) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. la-mid: keed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keenna² (-keenna)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tusaale: “Aan aadno gurigeenna”. la-mid: keen³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keer² (-keer)

DHAFANDHAAF

dk.ti.l Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kooda² (-kooda)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tusaale: “Macallinkooda ayay la tashadeen”. la-mid: kood².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keen³ (-keen)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l la-mid: keenna².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kood² (-kood)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l la-mid: kooda².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaaga² (-kaaga)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tusaale: “Qalinkaaga baa cusub”. la-mid: kaa³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kayga² (-kayga)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tusaale: “Dalkaygu waa hodan”. la-mid: kay³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kiisa² (-kiisa)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: “Aaway qalankiisa?”. la-mid: kiis³, ki, kįi².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kiinna² (-Kiinna)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. la-mid: kiin².

waa la naqliyay ✓